Share the post "Sacuudiga Oo Dhaqaale ku Maalgelinaaya Qodista Ceelal Biyood & Hormarinta Reer Miyiga.."
Kulan diirrada lagu saaray hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Somalia oo haatan meel wanaagsan maraya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee ay si gaar ah Dowladda Somalia mudnaan u siinayso, ayna ugu horeyso Maalgelinta qodista tiro Ceelal Biyood lagu hormarinaayo reer miyiga..
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah Xarunta Wasaardda Maaliyadda kula yeeshay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo masuuliyiin ka tocotay Dowladda Saudi Arabia oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, madaxda Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Safiirada laba Dal ee Somalia iyo Saudi Arabia ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis is afgrad ah oo Dowladda Sucuudigu ay ku maalgalinayo qodista Ceelal Biyoodyo iyo horumarinayo Reer Miiga, Talaabooyinka horumarineed ee lagu maalgalinayo ilaha dhaqaalaha ayaa ah natiijo ka dhalatay hannaankii deyn cafinta oo Dowladda Somalia ay ku maamushay waddadii saxnayd.