Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shan Caaqil oo kooxda argagixisada Shabaabka ay ka afduubatay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya , ayaa la sii daayey oo dib u helay xoriyadooda, sida ay baahiyeen Warbaahinta gudaha Dalkaasi..
Wararka ayaa sheegaya in 5-taan Oday Dhaqameed oo Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada ay afduubteen bishii 2-aad ee sanadkaan, iyadoo loo soo gudbiyay Xadka Somalia ay Dalkaasi la leedahay isla markaasna la geeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubada Dhexe oo ay ku xoogan yihiin Kooxda Shababka.
Warbaahinta gudaha ee dalkaasi Kenya oo soo xiganaya Saraakiil Amni iyo Mas’uuliyiin kale ayaa xaqiijiyay sii deyntooda, balse ma aysan shaacin waxa lagu sii daayay, Wararka ayaa intaasi kusii daraya in laamaha amniga Kenya ay isku dayayaan sidii ay su’aalo u weydiin lahaayeeb Odayaashan lasii daayay.