Ma Dhabaa In Maxkamad Kenyan ah ay Go’aan ka soo saareyso Masiirka Jubba Airways

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maxkamad ku taal halkaasi ay ugu hanjabtay Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways iney baa’bin doonto howlgalada Duulimaad ee Gudaha Kenya…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Shirkadda Diyaaradaha Jubba airweys oo xiligaan iska leh 4-diyaadarood oo noocoodu yihiin Foker 50 ah iyo waxeyna xiligaan ku guda jirtaa diyaarinta iney heshiis kula gaarto Shirkad Turkish si Diyaarad ku duusha Magaca Shirkadda Jubba airways magaalada Istanbul.

Wararka ayaa sheegay in Xiligaan Shirkadda Jubba ay Hal Diyaarad oo nooceedu tahay Foker 50 ka taalo magaalada Nairobi, waxeyna u kala gooshtaa Nairobi-Jubba, iyadoo Maxkamad Nairobi ka howlgasha ay go’aan ka soo saari doonto Masiirka Jubba airways oo ka howl gasha Dalalka Geeska Africa & Khaliijka.

192470cookie-checkMa Dhabaa In Maxkamad Kenyan ah ay Go’aan ka soo saareyso Masiirka Jubba Airways
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com