Qeylo dhaan ay ka Soo Saareen Ganacsatada Qaadka Kenya Amarada Hey’adda KAA..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ganacsatada Dhoofinta Qaadka (Miraa) ayaa ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay Maamulka Garoomada Diyaaradaha ee Kenya (KAA) ee ku aadanaa in lagu raro bakhaarrada ku yaala Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA)…

Sida ku cad warqad ka soo baxday KAA, dhamaan shixnadaha Qaadka iyo Avocado-da ayaa la kala sooci doonaa oo lagu xiri doonaa Bakhaar ka baxsan garoonka diyaaradaha laga bilaabo 9ka Oktoobar, Qoraalka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo kulan uu madaxa hay’adda shaqaalaha dowladda la qaatay ganacsatada dhoofisa qaadka. “Ma jiro wax soo qaadis ah oo loo ogolaan doono inay galaan dhismaha JKIA sida looga hadlay kulanka amniga,” ayaa lagu yiri warqadda uu soo saaray Ku-simaha Agaasimaha Maamulka KAA Henry Ogoye.

Guddoomiyaha Nyamita ayaa ku dooday in Ogeysiiskaan gaaban ee raritaanku ay u badan tahay inuu khalkhal geliyo dhoofinta Qaadka ee Somalia, Israel iyo Sierra Leone, waxaan kula talineynaa Hey’adda KAA inay ka noqoto amarka dib u dejinta maxaa yeelay bakhaarada ayaa aad uga fog Garoonka.

280920cookie-checkQeylo dhaan ay ka Soo Saareen Ganacsatada Qaadka Kenya Amarada Hey’adda KAA..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com