Hoobiyayaal Lagu Weeraray 3-Degmo oo Ka Tirsan Gobolka Benaadir kuwaasoo Dhaliyay Khasaare Dhimasho…

Domestic News Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa tiro Hoobiyayaal ah oo saaka kusoo dhacay qeybo ka mid Degmooyinka Shibis, Xamar Jajab iyo Xamarweyne ee Gobolka Benaadir, kuwaasoo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah Degaanadaasi degenaa..

Xuuraano hordhaca ah ee laga helaayo Degoomyinkaasi ayaa sheegaya in mid ka mid ah Hoobiyayaaahi uu ku dhacay Guri ku yaal Xaafada Kacaan ee Degmada Xamar weyne, iyadoo 2-Qof ay ka soo gaareen dhaawacyo Firir ah, Halka Hoobiyaha kale la sheegay inuu ku dhacay xaafada Buunadada ee Degmada Xamar jajab, kaasoo sababay dhimashada hal Qof iyo Dhaawaca 2-Qof oo kale iyo Degmada Shibis oo Guri derbigiis uu ku dhacay.

Ku darsoo Xafiiska Amaanka ee UNDSS ee Somalia ayaa soo digniino amni, kadib markii uu helay xog tilmaameysa in koox Ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka ay heleen Aqoonsito & Dharka Ciidamada Dowlada ay doonayaan iney ku soo galaan Xeyndaabka xerada Xalane & Garoonka Diyaaradaha kuwaasoo wataan 2-Gaari oo mid yahay Prado Cad (White Prado) & Gaari Toyota Hilux Double cab kuwaasoo ay saaran yihiin ilaa 5-dabley ah ayaa qorsheynaaya iney weeraraan Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Xalane.

368610cookie-checkHoobiyayaal Lagu Weeraray 3-Degmo oo Ka Tirsan Gobolka Benaadir kuwaasoo Dhaliyay Khasaare Dhimasho…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *