Eedeyn loo Jeediyay Madaxweynaha Somalia kuna aadan Maalayiin US$ ah oo uu ku bixiyay Safaro…

Somalia news

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ayaa wajahaya fadeexad iyo eedeymo musuq maasuq la xiriira qarashkiisa gaarka ah ee Safarada Dibeda sida ay sheegeen khubaro u dhuun daloola arrimahaan, iyadoo mudada sanadka ah ee uu xilka hayay…

Madaxweyne Maxamuud ayaa 8-dii bilood ee lasoo dhaafay ku bixiyay kharashaadkiisa gaarka ah lacag dhan 27 milyan oo US$, ilaa haddana lama sameynin xisaab-celin, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaarada Maaliyada, ayaa sheegay marka laga soo taggo safarada dibadda, in Madaxweynuhu uu ku mashquulsanaa oo ay ku baxeen dhaqaale badan oo laga maarmi karay.

Iyadoo xiligaan la sheegay inuu si gaabis ah u socdo geeddi-socodka deyn cafinta, IMF waxay go’aamisay iney joogteyso xasilloonida dhaqaalaha guud, hirgelinta istaraatiijiyad yareynta faqriga, iyo dejinta qorshe dib-u-habeyn ah oo diiradda lagu saarayo xasilloonida Maaliyada, hagaajinta maamulka iyo maareynta deynta, xoojinta xaaladaha bulshada, iyo Taageerida kobaca loo wada dhan yahay ee shardi ah si loo gaaro ka miro dhalinta Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Dalalka deeq bixiyayaasha ayaa dhawaan ka dalbatay Dowladda Federaalka iyo Xafiiska Madaxweynaha inay meel saaraan qarashka ku baxay safarka Madaxweynaha oo dhan 27-milyan oo US$, Hey’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa isha ku haya maamulka Maaliyadda dalka taasoo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta.

Inkastoo uu Dalka horeba ugu u galay deymo badan, haddana Somalia ma muuqato iney Hey’adda IMF ka cafiso daymaha lagu leeyahay ilaa ay ka muujiso sida ay uga go’an tahay dib-u-habaynta qaab-dhismeedka taasoo xaqiijin doonta “in hantida Dowladda si hufan looga faa’iidaysto dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyo dadaallada si kor loogu qaado kobac dhaqaale kaasoo u horseedaya shaqooyin abuuris badan”.

Macaashka Soo Dejinta qaadka

Kooxda Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay iney jeebka ku shubtaan inta badan Dakhliga ka soo xarooda Canshuurta Qaadka Kenya taasoo lagu qiyaasay 3-Million US$, Somalia ayaa kaalinta ugu hooseysa kaga jirta Dalalka ugu musuq badan.

251730cookie-checkEedeyn loo Jeediyay Madaxweynaha Somalia kuna aadan Maalayiin US$ ah oo uu ku bixiyay Safaro…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com