Madal-Siyaasadeed Oo Qoorqoor ka dhan ah ayaa lagu Qabtay Magaalada Mogdishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa madal-Siyaasadeed ka dhacay magaalada Mogadishu ayna ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin & Waxgarad ka soo jeeda degaanada Galmudug ayna ay ku jiraan Wasiirro iyo Xildhibaanno, ka soo howlgalay heer Federaal iyo mid Maamul Goboleed…

Siyaasiyiintaan oo intooda badan xubno ka ah, Madasha Badbaadada Dowlad Goboleedka Galmudug, oo billowgii sanadkaan looga dhawaqay Caasimadda, ayaa todobaadkii la soo dhaafay sare u qaaday cadaadiska ay saarayaan Qoorqoor, oo ay ku eedeeyeen, hoggaan xumo iyo karti la’aan.

Kooxdaan, oo ay hore uga dhex muuqdeen shaqsiyaad miisaan culus leh, sida Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayay hadda ku biireen kuwo kale, oo caan ah, sida; Maxamed Siciid-yare, Maxamuud Kudun Xiimaa iyo Cali Maxamed Baarleex MW-nihii Ximan iyo Xeeb.

Qoorqoor, wuxuu qeyb ka noqday, hoggaanna u yahay maamullada uu Farmaajo u adeegsado, hurinta xiisadaha siyaasadeed iyo isku hor goynta dhamestirka doorashooyinka, wuxuuna muddo dheer si gooni ah u dhibaateynayay Ra’iisul Wasaare Mr.Rooble.

179420cookie-checkMadal-Siyaasadeed Oo Qoorqoor ka dhan ah ayaa lagu Qabtay Magaalada Mogdishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com