Tiro Hoobiyayaal ah oo Lagu Duqeeyay Xerada AUSSOM ee Xalane..

Domestic News Security Somalia news

Warar kala duwan ayaa laga helayaa hoobiyayaal hiirtii hore ee saakay lagu duqeeyay gudaha Xerada AUSSOM ee Xalane ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhawaaqooda si weyn looga dareemay qeybaha ay kakooban tahay Magaalada Mogadishu…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qiyaastii ilaa 5 Hoobiye ay ku dhaceen gudaha xerada iyo qaar kamid ah xaafadaha ku dhow degmada Wadajir, iyadoo aan laogeyn khasaaraha ay geysteen Hoobiyayaashi, waana ayaan darro in Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia uu xakameyn waayo duqeymaha lagu weeraraayo Magaalada Mogadishu.

Mana la darermin dhaqdhaqaaq ay wadasn Hey’adaha Amaanka ee la soo sheegay, inkastoo markii ugu horeysay Xarunta AUSSOM shiday dhawaqa bixiyo digniinaha marka la dareemo iney jiraan xaaladaha halista ee la xiriira amniga garoonka Muqdisho, Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka.

369990cookie-checkTiro Hoobiyayaal ah oo Lagu Duqeeyay Xerada AUSSOM ee Xalane..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *