Qorshaha Boobka Doorashada dadban Ee Senator ada Galmudug Oo Laga Digay

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya In Farmaajo, Qorqor ay isla meel dhigeen sidii Kuraasta Senatorada Ee Galmudug loo boobi lahaa, isla markaasna tartanka looga reebi lahaa Senatorada Abshir Bukhaari, Cabdi Dhuxulow (Dheg-Dheer), Yuusuf Gelle Ugaas ( Dhagey) iyo Samsam Daahir…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Senator Abshir Bukhaari lagu bedeli doono Marwo Caasha Xaaji Cilmi oo seygeeda ay qaraabo hoose yihiin Farmaajo, iyadoo la diyaariyay Dhaqaale kor u dhaafaya 2-millions US$ oo la kala siin doono Odayaasha Dhaqanka Beesha, Xildhibaanada Galmudug iyo Mr.Saciid Siyaad Shire oo noqon doona La-tartame Macmil ah Marwo Caasha, iyadoo Booska Xildhibaan ee Beesha Gaabane loo qorsheeyay Horjooge Saadiq John oo ka soo jeeda Jufada Qorqor.

Dhanka kale, Waxaa la xaqiijiyay in Mr.Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) lagu wargeliyay inuusan ka mid noqon doonin Musharixiinta uu gudbin doono Mr.Qorqor, iyadoo si cad loogu sheegay Mr.Xaaf in Booska Senator-ka Beesha Sacad uu ku soo noqon doono Horjooge Cabdi Qeybdiid oo muddo 4-sano ah aan wax muuqda u qaban horumarinta degaanka uu ka soo jeedo, waxaana la tartami doona mid ka mid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale Senator Cabdi Dhuxulow (Dheg-Dheer), ayaa lagu wadaa in lagu bedelo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, oo Sida la sheegay ay aad u taageersan tahay Mrs.Seynab Macallin, Waxaan sidoo kale Sanadkaan lagu dhegan yahay Senator Dhagay oo Farmaajo ku eedeeyay inuu kala saftay Xasan Cali Kheyre, Senator Samsam ayaa iyadana la sheegay ineysan ku soo noqon doonin Senator-nimada, bacdamaa ay qaraabo yihiin Xasan Sheekh.

khubarada saadaaliya Arrimaha Doorashada Ee Galmudug ayaa ka digay in Doorashada dadban ee sanadkaan ay noqoto mid horseeda Qalalaase Siyaasadeed iyo inuu dhiig ku daata, bacdamaa ay ka go’an tahay Mr.Qorqor inuu u xagliyo Ninka uu u adeego Ee ah Farmaajo isla markaasna uu abaal mariyo Islaamka Siyaasada ku soo biirisay.

132980cookie-checkQorshaha Boobka Doorashada dadban Ee Senator ada Galmudug Oo Laga Digay