Dhakhtarad Ethiopian ah Oo Iska Soo Tuurtay Hoteel

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga helayaa Dhakhtarad ka soo jeeda Dalka Oo Sida la sheegay xalay iska soo tuurtay Qeybta ugu sareysa Hotelka City View kana mid ah Dhismayaasha ugu dheer Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland..

Wararka ayaa sheegaya in Gabadhaan oo lagu Magacaabo Nadia Omar ahna Dhakhtarad ku takhasustay cuddurada Haweenka, ayaa la sheegay inuu qabo Dhakhtar kale (Maxamed Cabdixamiid) oo ka soo jeeda Dalka Syria laakin a heysta Dhalashada Dalka Turkiga, Gabadhaan ayaa la sheegay inuu gaaray dhaawac culus ah, lana sheegay in xaaladeeda laga deyrinaayo.

Dhakhtaradan, oo ah gabar dhalinyar oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Nadia dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baaritaano la xiriira sababta keentay shilka.

147950cookie-checkDhakhtarad Ethiopian ah Oo Iska Soo Tuurtay Hoteel