Murankii Qaadka & Khudaarta ee Ethiopia Oo Laga Heshiis Buuxa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Somaliland iyo Ergo ka socota Dowlada Ethiopia ay shakay waxay magaalada Hargeysa ku saxiixdeen heshiis cusub, kaasoo meesha ka saaray xiisada qaadka oo maalmihii dambe taagneyd…

Heshiiskan ayaa imanaya kadib markii Ganacsatada Qaadka ee Somaliland ay dhawaan ku dhawaaqeen in qaadka Hareeriga ee Ethiopia ay joojinayaan, waxeyns ku sababeeyeen lacago dheeri ah oo lagu kordhiyay, taasoo uu meesha ka saaray heshiiska cusub.

Qoddobada heshiiska ayaa u dhigna sidan;

– Somaliland iyo Ethiopia waxay isla meel dhigeen ahmiyada ay leedahay xiriirkii dheera ee soo jireenka ahaa ee labada dhinac ka dhaxeeyay.

– In maanta wixii ka dambeeya (7/7/2022) dib loogu celiyo qiimihii qaadka iyo khudaarta ee hore loo dajiyay.

– In la sameeyo guddi farsamo oo ka hortagta dhibaatooyinka noocaas oo kale, sameysana daraasad ka hortagaysa oo xal loogu helo

199170cookie-checkMurankii Qaadka & Khudaarta ee Ethiopia Oo Laga Heshiis Buuxa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com