Mashruuca Dhul Boobka ee Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia 3-dii sano ee u dambeysa ka waday Magaalada Mogadishu, ayaa waxaa ku soo biiray Maamulada Horgalada Gobolada Jubbaland, Puntland & Konfur galbeed, iyadoo Dadka Dhulalka laga barakiciyay ay dhibaato Dhaqaale yari, hoy, Raashin & la’aan soo wajahday..
Wararka ayaa sheegaya in Barakacayaal kor u dhaafaya 170-Qoys oo bishii Maarso qasab looga saaray xerada Oomane oo ku taalla magaalada Baydhabo kuwaasoo qaarkood meherado ganacsi ku lahaa ku waayeen, iyadoo Ganacsigaasi ay maalgeliyeen Hey’adda Acted bishii Juun ee 2024, si loo dhiiri geliyo Barakacayaasha iney noloshooda maareeyaan isla markaasna Caruurtooda Dugsiyada Waxbarashada u diraan.
Qoysaska soo barakacay ayay dantu ku qasabtaa inay kiro ku degaan dhul aan dammaanad laheyn oo gaar loo leeyahay, iyagoo noqday rajo ku guul, Barakicintu waa mid dhowr jeer horey ka dhacday Guud ahaan Gobolada Dalka, walina aysan xal u helin iney joojiyaan barakicinta Maamulada Gobolada Hogaanka Villa Somalia, waxeyna dhegaha ka fureysteen baaqyo badan oo loo jeediyay.