Digniino laga Soo Saaray Khatarta Maandooriyaha oo Ku soo Badanaaya Somalia

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujinaaya iney aad u kordheen Isticmaalka noocyada Maandooriyaha guud ahaan Dalka gaar ahaan Caasimada Mogadishu, iyadoo markii hore Dhaliyarada ay dhibaato ku qabeen Isticmaalka noocyada Sigaarka, Qaadka, Xashiishka, Kolada Caruurta dhuuqan, Shiishadda iyo Khamriga…

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in magaalada Mogadishu ay si fudud ku soo galaan noocyada Daroogada ( Kaniiniyada, Budada Cocaine-ka Heroinka), kuwaasoo sanka iyo Irbadaha lagu isticmaalo oo Qofka bini aadamka markay jirkiisa gasho keenta 3-xaladod oo kala duwan.

-Qof saqraansan oo miirkoodi uu maqan yahay waxaana ku arkaysaa Dhalinyaradaasi marka joogtid Caasimada xiliyada Habeenkii iyagoo jiifa laamiyadda iyo darbiyadda ama Xeebta liido.

-Dhilnyaradaan oo dhibaatoyin kufsi ku dhiiranaaya taaso Laamaha Amaanka ay habeen walba xaqiijiyaan dhibatooyinka ku dhacaya gabdhaha iyo wilasha yaryar ee aan tabarta ay isku difacaan aan laheyn.

-Kooxaha ka Ganacsada oo si aan gabasho laheyn ku iibiya Baararka lagu caweeyo, kuwaasoo heshiis la ah Askarta Isbaarooyinka ku sugan isla markaasna ka iibiya Mandooriyaha kuwaasoo si fudud u dila Wadayaasha Mootoyinka, qaat ka mid ah Wadayaasha mootooyinka ayaa isticmaala maandooriyaha.

Qeybaha la xaqiijiyay iney isticmaslaan Maandooriyaha waa Dadka u dhaxeeya da’a ahaan 12jir ilaa 35jir, iyadoo qorshaha fog ee laga leeyahay so galinta darogadda noocyada khatarta ah ee Somaalia waxay noqon karta sababo badan la xiriira in la yareeyo daranka tirada Shacbiga Soomaaliyeed, ayaan darraso ilaa hadda Maamulka Xasan Sheekh kuma baraarugsana khatartaan.

247410cookie-checkDigniino laga Soo Saaray Khatarta Maandooriyaha oo Ku soo Badanaaya Somalia