Digniino laga soo saaray Dabeeylo xoog leh oo kusoo wajahan Somalia..

Domestic News Security Somalia news

Warbixon hordhac ah oo laga helay He’adaha Saadaasha Hawada Caalamka ayaa digniino ka soo saareen dabaylo xoogan oo laga cabsi qabo iney ku dhuftaan qeybo ka mid ah Deegaanada Konfurta Dalka Somalia maalmaha soo socda, iyadoo Dadka loogu baaqay iney u diyaar garoobaan..

Wararka ayaa sheegaya in dabaylahaasi ay la socdaan roobab xoog leh iyo hirar dhaadheer oo saameyn kara Xeebaha magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, iyo degaanada ku teedsan, iyadoo Dadka Kaluumeysatada iyo Xoolo dhaqatada loogu baaqay iney taxadar dheeraad ah muujiyaan isla markaasna u diyaar garoobaan Dabeylaha iyo Roobabka.

Sidoo kale, waxaa digniino loo jeediyay Kaluumeysatada iyo dadka ku nool agagaarka xeebaha muujiyaan taxadar dheeri ah oo ay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka digniintaan xambaarsan tahay, iyadoo lagula taliyay Kaluumeysatada ineysan gelin Badda inta ay socoto Dabeyshaani kana fogaadaan meelaha ay suuragalka tahay in daadad ama dabaylo waxyeello ka geystaan.

373960cookie-checkDigniino laga soo saaray Dabeeylo xoog leh oo kusoo wajahan Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *