Ma Dhabaa In Ergo USA Ay Muqdisho Soo Gaari Doonaan Dhowaan

Somalia news

Waxaa isa soo taraaya in Maamulka Washington ay quus ka taagan yihiin Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, waxaana daliil u ah 30-saacadood gudahood ayaa 3-fariimo Laba ka mid ahi loo mareeyay baraha Bulshada halka midka 3-aad loogu dhiibay Agaasimaha NISA…

Ilo wareedyo Diinah.com la soo xiriiray ayaa sheegaya in Todobaadkaan gudihiisa ay Dalka soo Gaari doonaan Saraakiil katirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee USA, kuwaasoo Dhambaal u gudbin doona Madaxtooyada Somalia kuna aadan Khilaafyada jira.

Dhaqanka Madaxda Africa ayaa noqday kuwa lagula taliyo iney Khilaafyo abuuraan, kadibna xukunka isku adkeeyaan ilaa dagaal iyo fool-xumo kursiga looga tuuro?

Dib u xusuuso qaabkii kursiga looga tuuray madaxwey-nayaashii wadamada Ethiopia, Libiya, Ivorycost, Tunisia, Congo Republic (Ex Zair), Zimbabwe, Gambia, Somalia, Burundi iyo kuwa kale.

Goorma ayuu hogaamiyaha Madow (Africa) uu aqbali doonaa in xilka ama kursigu uu yahay wax meerto ah sida caalamka kale ka jirta!!!??

40960cookie-checkMa Dhabaa In Ergo USA Ay Muqdisho Soo Gaari Doonaan Dhowaan