Dagaal Hoose Oo Ka Dhex Qarxay Farmaajo Iyo Kheyre

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa ka soo baxaaya Khilaaf aan la shaacin Oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Wasiirkiisa 1-aad kuna aadan Xiisadaha Siyaasadeed iyo xiliga kala guurka, iyadoo dagaalkaan xoogiisu uu ka soo shaac baxay Kulamadii Shalay ee Barlamaanka iyo Kii UN-ka iyo NISA…

Wararka hordhaca ah oo Diinah.com la soo gaaraiiyay ayaa sheegaya in Khilaafka u Dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Mr.Kheyre uu soo gaaray heerkii ugu dambeeyay, iyadoo 2-dii sano ee u dambeysay Awoodihii iyo saameyntii Wasiirka 1-aad ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska iyo NISA laga wareejiyay Ku darsoo Waxaa xilka laga qaaday Kuxigeenkii Maaliyada ee Gobolka Benadir, lana joojiyay Dhaqaalihii uu ka bixin jiray Gobolka iyo Bangiga dhexe.

Sidoo kale Beesha uu ka soo jeedo Wasiirka 1-aad ayaa la sheegay in culeys ay ku saareen inuusan Hami ka gelin inuu musharax gooni u taagan noqdo, waxaana loogu yaboohay inuu Xisbiga Farmaajo ka noqdo Xoghaye guud.

Arrimahaan oo dhan marka la isku daro, Waxaa ku soo baxaaya in Mr.Kheyre uu maalmo kooban u harsan yihiin ka sii quumashada saaxada siyaasada, iyadoo ay ka go’aan tahay Mr.Farmaajo inuu u tartamo Xilka Madaxtinimada Somalia, waana sababta horseeday inuu Wakiishado Fahad Yaasiin inuuuu Beesha Caalamka la xaajoodo arrimaha Siyaasada gudaha iyo Khilaafyada jira halka Xasan Kheyrana shirkii Golaha wasiiradda ee maanta si awood ah looga baajiyay, waxaana la adeegsaday Afada.

Marka Ma Maqaamkii Ra’iisul wasaaraha miyaa hoos loo dhigay.?

Mataaladii uu beeshiisa ku matalaayay xayndaabka dowladda miyaa laga maarmay.?

Maxaa u harsan Mr.Kheyre!!!

40930cookie-checkDagaal Hoose Oo Ka Dhex Qarxay Farmaajo Iyo Kheyre