Doorashada Puntland, Xiisadaha Colaadeed ee ku Gedaam, Miyeey Horseedi karaan Dagaal & Qax..

Somalia news

Iyadoo ay soo dhawaaneyso 8-da January 2024-ka oo ah xiliga loo madlan yahay in la qabto Doorashada Degaanada Puntland, isla markaasna Dhinacyada isku haya ay isku hub Uruursanayaan sidii Ujeedooyinkooda u meel marsan lahaayeen adeegsiga Xabada Maarta, Maamulka ayaa 50-maalmood dib u dhigay halka Garabyada Mucaaradka ay ka biyo diideen…

Odaaysha Dhaqanka Puntland qeybtooda Garoowe ku shirsan, haddii ay keenan Xal labada dhinacba ka madax banaan u keeni waayaan oo Nabada, daganaanshaha iyo Doorasho wadar ogol ay fadhiga iyo maamuuska magacooda ku xusan waa u guul, degaankana waa u dan, taladaasi ayaana lagu shaqeyn doonaa.

Mid ka mid ah Siyaasiyiinta Degaanka ayaa qoraal bartiisa X uu soo dhisay ku sheegay in Madaxweyne Deni uu shalay ka sheegay munaasabada xil wareejinta ee 54-aad ee Ciidamada Daraawiishta, “ in 70% Howsha uu Maamulkiisa qabteen 30% djimana looga fadhiyo iney Qabtaan Ciidamada” Hadalkaasina uu yahay mid Colaad horseedaya lana aqbali karin, iyadoo aan la tixgalinayn Rabitaanka Shacbiga iyo shuruucda u degsan Puntland.

Dallada Mucaaradka Puntland oo war saxaafadeed kasoo saaray hadalkii uu shalay Madaxweynaha ka jeediyey xerada ciidamada daraawiishta Puntland ee 54aad, iyagoo ku eedeeyeen inuu iclaamiyay colaad cusub, waxeyna ugu baaqeen Ciidamada iyo Taliyayaashooda iney ilaaliyaan Sharciga waxayna sheegeen in aanay Puntland u horseedin qalalalase iyo iyo burbur.

285040cookie-checkDoorashada Puntland, Xiisadaha Colaadeed ee ku Gedaam, Miyeey Horseedi karaan Dagaal & Qax..