Geediga Siyaasada Iyo Shakiga Ku Gedaaman Kala Guurka

Somalia news

Laga soo bilaabo maalintii Sabtidii Siyaasadda Soomaaliya weji cusub ayay galeysay iyo tallaabooyin is xigxigay oo xambaarsanaa cannaan, dhaliil iyo taloooyin ayaa soo yeerayay oo intaba hal dhinac ku socday….

Marka la galo kala guur siyaasaddeed waxaa caado ah in culeyska hal dhinac u bato, wararka ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ay noqdaan kuwo isa soo tara, ku darsoo Kooxda Maamulka oo Kala qeybsan iyo Maamulada Konfur Galbeed iyo Galmudug Oo ka aamusan Xaaladaha Siyaasadeed.

Sabti illaa Arbaco: Firimbigii Baarlamaanka, Baaqii Cabdi Xaashi, shirkii jaraa’id ee Madaxweynayaashi hore, war saxaafadeedkii Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle, warkii Mareykanka ka soo yeeray, kulankii Agaasimaha NISA iyo James Swan dhammaan xaaladahaas waxay dirayeen farriimo cad oo muujinayay halka dabeysha siyaasadeed u socoto.

Maanta oo Khamiis ah maxaynu filan Karnaa..?

Halkee buu geeddiga ku furan doonaa… Ma Isbedel cusub ayaa Soo socda mise!!??Aamusnaanta Madaxweynaha ma halkeeda ka sii socon doontaa, Ra’iisul Wasaaruhu door muuqda maku yeelan doonaa, mise daa wada ayuu ka bixi doona..!!? dhaqaaqyada bilowday, war iyo wacaal la’aanta Galmudug iyo Koofur Galbeed.

41000cookie-checkGeediga Siyaasada Iyo Shakiga Ku Gedaaman Kala Guurka