Shirkii Jabuuti Oo Lagu Kala Kacay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Kulankii Guddiyada Farsamada ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia kana socday Magaalada Jabuuti lagu kala tagay, kadib markii la isku mari waayay qodob ka mid ah War murtiyeedka shirka ee maanta la soo saari lahaa…

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jirta in mar kale dhinacyada isu keento, si heshiis looga gaaro war murtiyeedka, waxaana dhinaca ka socday Somaliland diideen qodobka ahaa in aan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqankax Ganacsiga iyo Isboortiga.

Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee sida in aan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray.

42340cookie-checkShirkii Jabuuti Oo Lagu Kala Kacay