Muxuu Madaxweynaha Somalia Ku Doortay inuu Ku Shaqeeyo Siyaasada Qarsoodiga Eritrea

Somalia news

Todobaadkaan ayaa mar kale Waxaa indhaha Shacbiga Soomaaliyeed soo jiitay Kulan uu Madaxweynaha Somalia la yeeshay Guddi ay Waalidiinta Caruurtooda ku maqan tahay Tababarada Ciidamada Dalka Eritrea iska soo dhex xuleen, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday tuhunkii jiray oo sii kordhay…

Marka hore, waa talaabo lagu farxo in la qaabilo Waalidiinta oo Warbixino kooban laga siiyo xaalada sireed ee ku gedaaman Caruurtaan, iyadoo Guddigaan ay sheegeen in muddo 3-sano ah markii ugu horeysay ay Xarunta Madaxtooyada lagu qaabilo inkastoo warbixino qabyo ah uu Madaxweynaha ka siiyay Guddigaan Xaalada Nololeed ee Dhalinyaradaasi, waxaase weli taagan Su’aalo Jawaabo u baahan.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Ciidamada ayaa farta ku goday Siyaasada Madaxweynaha ee ku dhisan Qashuuc & Qosol, waxeyna sheegeen in 3-Sano ay qaadato tababarka Leyli Askari uu maanka Saafiga ah uu diidaayo, iyadoo guud ahaan marka Sarkaal la tababaraayo leyligiisu uu qaato 2-Sano halka takhasuskiisu uu qaato 1-2 sano oo kale, waa maxay Tababarka noocaan mudadaasi dheer qaatay oo qarsoodiga ku gedaaman, kuwaasoo aan loo heynin Qalabkii ay ku howl geli lahaayeen.

Teeda kale Waxaa su’aalo laga keenay, maxaa Eritreanku shuruud ugu xireen inuu Madaxweynaha uusan Safarkiisa ku wehlin Saraakiil ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibeda, Gaashandhigga iyo Talisyada Ciidamada, ee kaligiis uu tago Asmara, tuhunkaan ayaa u muuqda in Siyaasadii qarsoodiga ku dhisneyd ee Afewerki/Farmaajo uu oggolaaday Madaxweynaha inuu sii wado ee Xaalada Dhalinyaradaan.

Waxaa Madaxweynaha Looga fadhiyaa inuu Daaha ka rogo, Taarikh cayiman oo lagu soo celinaayo Dhalinyadaan, isla markaasna uusan Kaligiis isku kooban oo talada Dhalinyaradaan u dad badasado, iyadoo la og yahay in Todobaadyada soo socda uu ku noqon doono magaalada Asmara.

201260cookie-checkMuxuu Madaxweynaha Somalia Ku Doortay inuu Ku Shaqeeyo Siyaasada Qarsoodiga Eritrea
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com