Dadka Saboolka Iyo Nolosha Adag Ee Xiliyada Roobabka

Somalia news

Gudaha caasimadda oo xilligan dad badan qabowga awgiis uga jiraan aqalladooda iyaga oo aan dooneyn inay usoo banaan baxaan roobabka aan kala go’a lahayn ee Muqdisho ka da’aya, in kale oo isla caasimadda ku nool ayaan lahayn doorasho kale oo aan ka ahayn inay u gegsadaan qabowga daran ee roobabku wataan….

Dadka Saboolka ah ee la halgamaaya nolol maalmeedka, Iyadoo xiligaan lagu jiro mid roobaad ka duwan midkii ka di’i jiray magaalada, noloshoodu noqotay mid sii adkeysa, maxaa yeelay roobabka iyo Dhaxanta xiliyada habeenkii cabsi xoogan naftooda geliyay.

Dadkaan Saboolka ah ayaa ah kuwo aan heysan gabaad iyo hoyaad joogto ah, guryihii ay dhisteen waxaa qaaday daad, waana qeyb aan muuqan oo kamid ah bulshada. Waa gacan iyo garab ay kula dagaal-galaan waayaha adag iyo waqtiga oo ku wiirsaday awgiis ay ku kaliftay inay gaar uga soocmaan bulshada inteeda.

Maamulka Dowlada Federaalka Kan Gobolka, Degmooyinka Iyo Ganacsatada ay iska indha-tirayaan xaqiiqda dhabta ah ee ay Dadka Saboolka ah ku nool yihiin, ma jiraan Gargaarka loo fidiyo, iyo xitaa in Baaqyo loo diro Hey’addaha Gargaarka si loogu gurmado Dadka la halgamaaya maareynta Nolosha iyo dagaalka Qabowga iyo Roobabka.

53190cookie-checkDadka Saboolka Iyo Nolosha Adag Ee Xiliyada Roobabka