Meyd Ajnabi Ah Oo Lagu Gubay Hargeysa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Meydka qof ajnabi ahaa lagu gubay degaanka Xeedro ee Waqooyiga magaaladaasi…

Gubista Meydkaan ayaa Warar kala duwan kasoo baxayaan, waxayna dadka degaanka ay sheegeen in halkaasi lagu gubay dad u dhintay cudurka Covid-19, iyadoo ay dadku isku soo baxeen, kana cawadeen xabaal gubista Oo joogto noqotay.

Meydka la gubay ee la sheegay inuu Ajnabi yahay ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegeen in qofkaasi lagu gubay qaabka diintiisu qabtay, qofkaasi oo aan qabin cudurka COVID-19, waxaana arrintaasi las ocday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo xeer ilaalinta.

Ka sokow meydka Dooxada Xeero lagu gubay ayaa waxaa si weyn ugu qeyliyey dadka degaanka oo sheegay in ciidamo ay keeneen meydka halkaasi, kadibka ay gubeen iyadoo Dooxaasi biyo laga cabo.

42370cookie-checkMeyd Ajnabi Ah Oo Lagu Gubay Hargeysa