Dabaaldega Iyo Dayaca Caafimaad Ee Ku Gedaaman

Somalia news

Waxaa digniino laga soo saaray Rasaasta loogu dabaaldagaayo Maalmaha Xoriyada ee 26-ka Juun iyo Xalay 1-da Luuliyo, iyadoo ay Soo baxeen dhaawacyo Loo geystay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool xeyndaabka ku xeeran Xarunta Villa Somalia…

Xogtaan ayaa Diinah.com news la qeybsatay in ugu yaraan 20- qof Oo caruur ay ku jiraan ay rasaas wiifto ah guryahooda ugu tagtay, kadib markii Ciidamada Ururka Boliiska Dableyda Madaxtooyada ay rasaas badan kor u rideen u dabaaldegida Xafladaha Maalmaha Xoriyada.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka ayaa habeenkii 26-ka Juun ku dhaawacmay gudaha Madaxtooyada kadib markii ay gacanta ka haleeshay rasaas ay rideen Ilaalada Madaxtooyada, waxaana wakhti ku qaadatay inuu gaaro Goobaha Caafimaadka, iyadoo Isbitaalka ku dhex yaalay Madaxtooyada la xiray.

Mudanahaan ayaa markii dambe loo qaaday Isbitaalka Yardamil si loogu daweeyo, wuxuuna ka mid ahaa 10-Muwaadin Oo dhaawacyo fudud ay habeenkaasi ka soo gaareen, iyadoo xalayna ay la soo sheegay iney jireen dhaawacyo kale oo haleeshay rasaasta Ciidamada Madaxtooyada Villa Somalia,

45170cookie-checkDabaaldega Iyo Dayaca Caafimaad Ee Ku Gedaaman