Qamaarka Siyaasadeed Ee Farmaajo Ee Magacaabista Wasiirka 1-aad

Somalia news

Kadib xil kaqaadistii Wasiirka 1-aad ee aan loo marin shifo Sharci ah, (Todobo daqiiqo, Mooshin iyo ka doodis la’aan) iyo deg dega uu ku aqbalay Mr.Farmaajo waxey ku habooneyd in sidoo kale deg degtaasi lagu magacaabo, inkastoo Qamaarka uu la fogaaday, iyadoo ay ku dul hogan yihiin druuro su’aalo ah iyo shaki Isbaheysiga cusub uu ku doonaayo inuu garab kaga helo magacaabista Wasiirka 1-aad….

Dib u dhaca magacaabista iyo ansixinta ka dambeysa ee Ra’iisul wasaaraha cusub, waxaa arrin walaaceeda wadata loona baahan yahay in sida uga dhaqsiyaha badan loo xaliyo, wallow uu shaqada si KMG ah u wado Kusime, kana soo wareegtay muddo 36-maalmood ah markii xilka laga qaaday (iska casilay) Mr.Kheyre taasoo ka dhigan in Mr.Farmaajo uu ku guuldareystay inuu bedelkiisa keeno.

Dhibka heysta Kusimaha ayaa ah inuu yahay mid gacmaha ka xiran oo uusan awood badan u laheyn inuu shaqada ka joojiyo Wasiir, sida ku qoran Dastuurka KMG ah kaasoo qeexaya howl maalmeedka iyo awoodaha Wasiirka 1-aad ee Dowlada federaalka, marka loo fiiriyo Sharciga Mr.Mahdi waa Gaarsiiye awoodna uma lahan dhamaan howlaha guud iyo kuwa gaarka ahba.

Maxaa Hortaagan Magabaacista:-

Waxaa hortaagan qodobadaan oo u baahan xalin deg deg ah

-Waxaa jira culeysyo iyo baaqya ka imaanaya dhinacyo badan kuwaasoo culeys ku saaraya Mr.Farmaajo inuu si deg deg ah u soo magacaabo Wasiirka 1-aad iyadoo aan laga tegin qaab dhismeedka 4,5, soo xusho muwaadin buuxin kara

-Kulanka 1-da Bisha Sep 2020 ee Mr.Farmaajo, Mr.Dnei iyo Sheekh Axmed Madoobe natiijada ka soo baxda oo uu doonaayo in Wasiirka 1-aad ee cusub shaqo diyaarsan ee qaabka doorshada la jaan qaado isla markaasna hirgeliyo qorshaha degsan ee Villa Somalia.

-Xaalada Dalka ee Amni oo ka sii dareysa mar walba oo sii fogaata Magacaabista wasiirka 1-aad, iyadoo eedeymo badan ka soo baxaayaan Xisbiyada Mucaaradka iyo qeybaha Bulshad, kuwaasoo ku eedeynaaya Mr.Farmaajo inuu isku dheeli tirka Jagooyinkii Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad isku koobay.

-Kala qeybta Xsbiyada Mucaaradka oo ah howl qabyo ah oo muddo soo jiitameysay, go’aanada la filaayo dhowaan

Kudlada Xildhibaanada Mucaaradka:-

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u sheegay in kulamo iyo wada tasshiyo hoose ay u socdaan Mr.Farmaajo iyo Kudlada Xildhibaanada Mucaaradka kuwaasoo la sheegaayo inuu heer dhamaad ah soo gaaray, lagana filan karo in awood qeybsi ay ka soo baxaan si loo kala qeybiyo Dallada Xisbiyada Mucaaradka kuwaasoo xiligaan kala shaki ku dhex jira kadib Kulankii Mr.Xasan Sheekh iyo Adeege Fahad Yaasin.

Ku darsoo, soo noqoshada Shariif Sheekh Aadan, isla markaasna degay guri ku dhow Hoyga Sheekh Shariif ayaa laga yaabaa iney qorshahaan isbedel weyn uu ku yimaado, iyadoo maalmaha soo socda siyaasada ila meereyso ee magaalada Muqdisho ay yeelan doonto weji cusub, Maxaa ku baxay!!?.

57450cookie-checkQamaarka Siyaasadeed Ee Farmaajo Ee Magacaabista Wasiirka 1-aad