Abaabulka Dagaal ee Wajiga 2-aad iyo Kooxda Argagixisada Oo Diyaarineysa Qorshe iska Caabin ah..

Somalia news

Sanad kadib, duulaankii uu ku dhawaaqay Hogaamiyaha Dowladda ee xiligaan degan Villa Somalia, waxaa muuqata in Horgalada kooxda Argagixisada Shabaab ay ka qaadeen Howlgalkaasi ka gaareen Faa’iidooyin, Khasaare degaano gacantooda ka baxday, khibrad xaga dagaalada ah, waayo-aragnimo iyo Tiro badan oo Dhalinyaro Somalia & African ku soo biiray Kooxda Shababka..

Qiimeynta Howlgalkii Ciidanada Dowlada ee Wajiga 1-aad, waxaa Khabiirada Ciidamada ay farta ku godeen in marka la is barbar dhigo Guulaha la gaaray iyo kharaasaha soo gaaray Ciidamada Dowlada & Xoogaga hubeysan ee Degaanada iyo Gaadiidka Dagaalka ee gacalay Gacanta Argagixisada , waxaa aad u sareeya khasaaraha, iyadoo la sheegay in 700-Qof.

Taageerada Dowladaha Shisheeyaha

Dad badan ayaa aaminsan in Dowladaha ka taageera Dagaalada Wajiga 1-aad ee kooxda Argagixisada ay ka gaabiyeen taageeradooda siiba kuwa Drones-ka ee Sahanka iyo Duqeynta, waxaana la badbaadin karay Askarta Iyo Xoogaga Degaanka ee dhintay iyo Gaadiidka dagaal ee gacanta u galay kooxda Argagixisada, inkastoo ay hadda 3-Helikobtar oo Duug ah ay ku deeqeen USA, isla markaasna ay balanqaadeen iney kordhin doonaan taageerada xagga Cirka Duulanka Wajiga 2-aad, ku darsoo Turkiga ayaa sidoo kale bixiyay balanqaadyo Drones-ka ah iyo Saad, waxaan weli shaacin Taageerada Dowladaha Khaliijka oo Madaxweynaha Safaro badan ku tagay.

Aragtida Horgalada Shababka ee Madaxa Villa Somalia

Hadii Madaxa Villa Somalia hanjabaadiisa sanad ka hor ay gilgishey taageeriyaasha & Horgalada kooxda argagixisada Shabaabka qaarkood, hadda wuxuu noqday tusaale ay kooxdu usoo qaadato maad iyo qosol, Horjooge Cali Dheere oo qoslaya ayaa Madaxweynaha ku tilmaamay “bilaash xeyte faan jecel”, wuxuuna weydiiyay bal wuxuu ku dheefey dhaartiisii caanka ahayd!.

Dhalinyarada Jihaad doonka ah qeybtooda fulisa qaraxyada culculus ee gaadiidka iyo suumanka loo adeegsado ayaa hadda u muuqda kuwa la ciir-ciiraya xeryaha tabobarrada ee Shabaabka, Gulufkii lagu qaaday kooxda waxaa muuqata iney u noqotay xeelad hor leh oo ay ku qorato ciidamo cusub, illeyn waxay dhalinyarada ku qancisay in duullaan lagu yahay Shareecada Islaamka.

Ugu dambeyntii, waxaa la gudboon Garabyada ku lugta leh Siyaasadda Somalia (Demu-Jadiid iyo Daljir), oo xiligaan khilaaf hoose ka oogan yahay, isla markaasna laga cabsi qabo in Howlagalaan dib u dhac ku keen wareega ciyaartana sii dheereyn kara, waxaana sheekada kusoo biyo shuban doonto oo ah in kooxda Shabaab wada hadal la la galo, oo Horgalada Kooxda ay noqdaan bahallo ka xagjirsan kooxda Taliban talada dalkooda laga qeybgeliyo, loona madax baneeyo maamulka dhulkooda.

269130cookie-checkAbaabulka Dagaal ee Wajiga 2-aad iyo Kooxda Argagixisada Oo Diyaarineysa Qorshe iska Caabin ah..