Maxaa Hortaagan in Kaluunka Somalia Loo Dhoofiyo Kenya? 

Africa News Somalia news

Heshiiskii ay dhawaan 2-da Madaxweyne ee Somalia iyo Kenya ku kala saxiixdeen Nairobi ee la isku weydaarsanayay Ganacsiga Qaadka iyo Kalluunka kadib, ayeey Ganacsatada Somalia sheegayaan in aanay weli fursad u helin in Kenya ay u dhoofiyaan kalluunkooda…

Guddoomiye ku-xigeenka Dalladda Kalluumeeysatada Somalia Muuse Cabduqaadir Ducaale oo wereysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan caqabado ay wajahayaan, “Ilaa iyo hadda heshii 10 qodob ah baa la galay baa la yiri, waxaana 10-kaasi qodob ka mid ah in kalluunka loo dhoofiyo Kenya, balse ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Dalladda Kaluumeeysatada oo loo yeeray oo lagala hadlay arrintan,” ayuu yiri.

BBC-da ayaa waxay Muuse waydiisay inay iyaga isku dayeen in ay la xiriiraan dowladda Somalia ama xitaa tan Kenya, waxa uuna sheegay in hadda ka hor ay mar madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmeen shir ka dhacay Nairobi oo arrintan ay kala hadleen.

Qodobadii kale marka laga yimaado kalluunka Somalia waxaa ka mid ahaa in laga caawiyo ka mid noqoshada Dalladda Ganasiga Bariga Afrika, Muwaadiniinta Soomaalida in loo fududeeyo dal-ku-galka Kenya, in danaha labada dal si wadajir ah looga shaqeeyo, in la ixtiraamo madaxbannaanidda, in la iska kaashado arrimaha bani’aadannimada, in la iska kaashado la-dagaallanka argagixisada iyo sirdoonka labada dal.

204500cookie-checkMaxaa Hortaagan in Kaluunka Somalia Loo Dhoofiyo Kenya?