Shirweynaha Beelaha Mudulood Oo Dhowaan Furmaaya

Somalia news

Mudooyinkii ugu dambeeyay Waxaa jiray dood dheer ka furneyd qabanqaabada iyo qabsoomida Shirweynaha aaya katalinta Beelaha Mudulood kaasoo dhowr jeer isbaaro dadban iyo hortaag ay ku sameeyen Siyaasiin Xilal hore uga soo qabatay DFS ama Mas’uuliyiinta Dowlada katirsan….

Shirka Mudulood oo loo Balansanaa in looga hadlo qodobada kala ah.

  1. Xaalada Bulsho & Deegaan ee Beelaha Mudulood.
  2. Doorka dhismaha Dowladnimada Soomaaliyeed kaga aadan Beelaha Mudulood.
  3. Dhismaha Dowlad Goboleedka Banaadir State.
  4. Xuquuqda Siyaasadeed ee Dowlada fadaraalka kaga maqan Beelaha
  5. Deeqaha Soomaaliya ayka hesho Beesha Caalamka Qoondadii kusoo aadi laheed deeganada Mudulood ( Halka Maanta dhamaan mashaariicaha lagu helo magaca Somalia kaliya laga fuliyo Puntland, Jubaland & Somaliland )
  6. Gumaadka & Tacadiga joogtada Beelaha Mudulood kala kulanto hey’adaha kala duwan ee  DFS.

Qodobadaas & kuwo kale oo badan oo taabanayo arrimaha masiiriga ee Beelaha balse nasiib darro Maamulka Farmaajo oo adeegsaneeyso Wasiiradiisa & Xikdhibaanada Beelaha isaga daacad u ah, ayaa isku dayo badan oo ay ku doonayaan iney wax ka bedelaan ajandaha shirka laguna soo koobay.

  1. Dib u hishiisiinta Mudulood.
  2. Taageerida Matalaaada 13 kursi ee Gobolka banaadir laga siiyay Aqalka Sare.
  3. iclaaminta shirka Qurba Joogta Mudulood.

Shirweynaha ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Muqdisho 8-10 bishaan.

45750cookie-checkShirweynaha Beelaha Mudulood Oo Dhowaan Furmaaya