Dalka Sweden Oo Cadaadis-Siyaasadeed iyo Mid Dhaqaale Ku Haya Dowlada Federaalka..

Somalia news World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa go’aan ay gaareen Maamulka Dalka Sweden kaasoo salka ku haya sidii Dalkooda loog masaafurin lahaa Ajaaniibta Magangeliyo doonka ee la diido codsiyadooda iyo Dowladaha ka soo horjeeda amarka tarxiilka ee la soo saaray in dalkooda lagu celiyo…

Sida laga soo xigtay warbixin lagu baahiyey Telefishinka SVT, waxay Dowladda Sweden u isticmaalaysaa deeqaha sidii hub muranka dhanka socdaalka, iyadoo ku goodisay inay kaalmooyinka dhaqaalaha kala laaban doonaan Dalalka diida inay iskaashi ka geystaan sidii qaxootiga codsiyadooda magangelyo-doonka la diiday dib loogu celin lahaa dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Bishii May ee sanadkan 2023-ka, Wasiirada Wasaaradaha Horumarinta Iskaashiga iyo Socdaalka ee Dalkaasi waxay si wadajir ah qoraal ugu direen Dowladda Federalka, kuna wargeliyeen inay iskaashi xoogan ka muujiyaan qorshaha qaxootiga Soomaalida ee Sweden laga soo masaafurin doono.

Maamulka Stockholm oo ka mid ah Deeq-bixiyayaaaha Somalia ayaa haatan dob u eegis ku saameyneysa Deeqaha iyo dhaqaalaha Horumarinta lasiiyo Dalal dhow oo la sheegay iney ka biyo diideen in dib loo soo celiyo Kumanaan Qaxooti ah oo weydistay Magangeliyo Dalka Sweden, iyadoo Tirada Qaxootiga Soomaalida ee laga soo tarxiilayo Sweden gaarayaan 467 qof, sida lagu caddeeyey Tiro-koobkii Wasaaradda socdaalka Sweden soo saartay bishii August ee la soo dhaafay.

279530cookie-checkDalka Sweden Oo Cadaadis-Siyaasadeed iyo Mid Dhaqaale Ku Haya Dowlada Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com