Siyaasada Laba-Wajileynta ee USA ee Somalia & Is-Hortaaga Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka

Somalia news

Inkastoo Dowladda Mareykanka ay muddo dheer ay gelineysa Wakhti, Dhaqaale badan iyo Tababar tayadoodu sareyso Ciidamada Guutada Danab ee Somalia, haddana waxey dhinaca kale ka wadaan iney ka hor istaagto in Dalkaani inuu isku filnaan ka gaaro Dhismaha Ciidamada iyo Casriyeynta Hubka culus iyo Diyaaradaha dagaalka…

Khubarada Soomaalida ee ku xeel dheer Siyaasada Amniga iyo Difaaca Dalka, ayaa ka digay in Dowladaha USA & UK ay afduub u heystaan in aan laga qaadin Cunaqabateynta Hubka ee 30-sano saaran Dalka Somalia, Waxaana marqaati ma doonto ah in Xasuuqii ka dhacay Degaanka Galcad ay mas’uuliyadeeda qeybta ka gaabinta gurmadka Diyaaradaha ku lahaayeen, halkaasoo lagu dilay Taliyihii Ururka Danab G/Le Xasan Maxamed Cusmaan (Tuuryare) iyo intii badneyd ee Ururkaasi iyo kuwo Gorgor.

Mareykanka ayaa Qoyska Sarkaalka geeeiyooday Mag siiyay inkastoo Ciidamadii la la dilay ay ka gaabiyeen iney Qoysaskooda sidoo kale siiyaan Magta, sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa xakameysay xogta afaada ka dhacday Degaanka Galcad, balse waxaa la isku waafaqsan yahay in Weerarkaasi ayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara Guutooyinka Danab iyo Gorgor iyo Gaadiidkooda.

Khasaarahaan ayaa sababay in la hakiyo Howlgalada ka socda Degaanada Hir shabelle iyo Galmudug lagana soo baxo degaan la qabsaday, iyadoo la dareemay in habacsanaan iyo mas’uuliy darro ka dhalatay ka gaabiska gurmadka weerarkii ay ku dhamaadeen Ururada kor ku xusan, isla markaasna la kordhiyo tirada Guutada Danab si loo buuxiyo khasaaraha soo gaaray Ururadaan.

Danjiraha USA oo shalay kala qeyb galay Wasiirka 1-aad xaflad ka dhacday Xerada Balli doogle oo Tababr loogu soo xiray Urur cusub oo Danab ka tirsan, ayuu (Danjiraha) sheegay iney dib ugu noqonayaan Qaabka Howlgalada Ciidamada ee dagaalka Shababka, kadib dayaca Ciidamadaasi, waxaana la sheegay in Sarkaalka la dilay Qoyskiisa ay Safaarada Mareykanka heshiis hoose la gashay oo xubno laga shaqaaleysiiyay Dhismaha Safaarada ama danaha USA ku leedahay Geeska Africa.

241430cookie-checkSiyaasada Laba-Wajileynta ee USA ee Somalia & Is-Hortaaga Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka