Maxaa Ka Jira In Canshuurta Lagu Kordhinaayo Qaadka

Somalia news

Qeybta Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyada ee Dowlada Federaalka ayaa qorsheyneysa iney Canshuuro dheeraad ah ku soo rogaan Qaadka ka yimaada Dalka Kenya, kadib markii uu muddo hakad ku jiray sababo la xiriira Cudurka Caabuqa ee Covid-19….

Sida ay shaaciyeen Ganacsatada nolashooda ka maareeya Qaadka, ayaa welwel ka muujiyay canshuur kordhinta Qaadka ka yimaada Magaalada Meru ee Dalka Kenya, “Waxaan Heleynaa Macluumaad ku saabsan in Maamulka Maaliyada ee Dowlada Federaalka ay qorsheysay canshuur kordhin Qaadka ka yimaada Kenya 5-US$ halkii Kiilo.

Gudoomiyaha Ururka Qaadka Kenya Mr.Kimathi Munguro ee ka baxa Keymaha Nyambene Oo ugu baaqay Dowlada Kenya iney soo faro geliso xiisadaha u dhaxeeya iyaga iyo Maamulka Maaliyada Garoonka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa dib loo celiyay Diyaarad qaad siday Oo dhex martay Hawada Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti, kuna socotay Degaanada Maamul goboleedka Puntland, ayna u kireysneyd Ganacsato degaanka ka soo jeeda.

Dalka Kenya ayaa u dhoofiya Somalia Maalintii 50-Tan Oo Qaad ah, waxeyna ka macaashaan 232-Kun US$, mana jiraan wax bedel ah oo ganacsi ah oo ay ka qaataan Somalia, sikastaba, waxaa Mas’uuliyiinta Hawada ee Somalia ay ku eedeeyeen Diyaaradaha Kenya iney si joogto ah ugu xadgudbaan Hawada Somalia, iyagoo fasax la’aan ka dega Garoomo Macmil ah.

52010cookie-checkMaxaa Ka Jira In Canshuurta Lagu Kordhinaayo Qaadka