Danjiraha UK Oo Ka Hadlay Doorashada

Somalia news

Danjiraha Boqortooyada UK u jooga Somalia Mr.Ben Fender ayaa sheegay in Soomaalida ay u taallo in ay go’aan ka gaaraan hoggaamiyaha ay doonayaan, waqtiga doorashooyinka soo socda iyo nooca ay noqonayaan, hadalkaas oo u muuqda in uu kasoo degay meeshii uu markii hore ka istaagay doorashooyinka oo uu dalbanayey in ay xilligooda ku qabsoomaan….

Siyaasiyiinta Soomaalidu hadda waxay heystan mddo afar bilood ah oo ka xigta xilliga ay tahay in la qabto doorashadda baarlamanka 27-ka December 2020-ka, iyo midda madaxtooyadda oo ku began 8-da Febraayo 2021-ka.

Xisbiyadda mucaaradka ah iyo madaxda maamul goboleedyadu waxay ku adkeysanayaan in la qabto doorashadda xilligeedii, iyadoo la adeegsanayo hanaan dadban, halka madaxda dowladda federalkuna ay ku adkeysanayaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la kordhinayo mudo xileedka hey’adaha dastuuriga ah.

Guddiga doorashooyinku waxay cosadeen $70 million si ay u qabtaan doorasho ka duwan middii la qabtay 2016-2017, taasi oo la rumeysanyahay in uu musuq hareeyay.

Danjiraha UK, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu dadka la wadaago go’aanka dalkiisa ee ku aadan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, kadib markii uu helay su’aalo badan oo ku saabsan meesha ay UK ka taagantahay arrimaha dalka ka taagan.

51980cookie-checkDanjiraha UK Oo Ka Hadlay Doorashada