Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Beri(Puntland) ayaa sheegaya Markabka kuwa ganacsiga ah oo siday shamiito u waday shirkada Barwaaqo ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dego marinka doonyaha iyo maraakiibta ee dekedda Boosaaso….
Ismaaciil Siciid Xuseen (Kutubaweyne) oo ka mid ah Mas’uuliyiinta shirkadda Barwaqo oo wareysi gaara siiyay Idaacada codka Mareykanka ee VOA-da ayaa ka warbixiyay xaalada markabka iyo khatarta uu ku hayo dekedda Boosaaso.
“Todobadii subaxnimo ee shalay ayaa dekedda la soo galiyay markab la yiraahdo Banier Star, oo wada 6,100 tan oo shamiito ah, markii uu soo marayay irida laga soo galo dekedda ayaa ciidi qabsatay, dadkii markabka waday ayaa isku dayay inay xal u raayidaan, waana ka saari waayeen, haddana biyihii hoos ayay u dheceen oo markabkii waa fadhiyaa” ayuu yiri Ismaaciil Siciid.
Mar la weydiiyay Ismaaciil rajada ay ka qabaan in la badbaadiyo hantida saaran markabka, ayuu ku jawaabay in rajoodu aad u yar tahay, maadaama aan lahayn Qalabkii lagu badbaadin lahaa.
Sidoo kale wuxuu sheegay in markabku khatar ku yahay dekedda oo laga cabsi qabo inuu dhinac u dhaco oo xiro marinka gaadiidka, haddana aan waxna gali karin waxna ka bixi karin.