Xildhibaanada Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday Muddo Kordhinta

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Xildhibaandii Dhaqaalaha Ku riday Dowladii Mr.Xasan Cali Kheyre, ayaa hada u muuqda kuwa laba garab u kala jabay oo ku kala aragti Duwnaaday muda kordhinta uu qorsheynaayay Mr.Farmaajo…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Xildhibandaan oo markii hore hal aragti ka lahaa in Xukumada Kheyre Meesha laga saaro, iyadoo balanqaadyo Jago iyo Dhaqaale loo balanqaaday ayaa hadda Loo sheegay ineysan Madaxtooyada fulin karin.

Koox waxay ka koobnayeen kuwa Mucaaradka Xìsbiyada oo iyagu u arkaayey Kheyre hadoow meesha ka baxo Farmaajo Meesha ka saari karaan, iyadoona kooxaha kalana ku jiray damac ah amaad Heshaa Xilka laga Eryayo Kheyre iyo kuwa Xilal iyo Dhaqaale Loo balansanaa qaaday balse Loo sheegay iney taageeraan muddo kordhinta, Weyne ka biyo diideen.

Si kastaba ha ahatee kala Jabka Xilidhabnadii Isku Fikirka ahaa oo hada kala qeybsamay ayaa hoos u dhigaayo Rajadii Farmaajo oo aheyd in uu 2 Sano ku darsado, waxeyna qaarkood si hoose u bilaabeen iney Xiriiro la sameeyaan Madaxweynayaasha Maamulada Gobolada iyo Odayaasha Dhaqanka si ay u xaqiijiyaan Dib u soo laabashadooda.

52400cookie-checkXildhibaanada Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday Muddo Kordhinta