Madax Waaxeed Lagu Dilay Dayniile

Somalia news

Warar hordhaca ayaa laga soo sheegaya ayaa fal dil bareer ah oo saakay madaxii waaxda Halgan ee Degmada Dayniile laguna dilay gurigiisa, iyadoo dilkaasi ay geystay Haween uu Marxuumka qabi jiray…

Wararka ayaa sheegaya Madaxa Waaxda Halgan Marxuum Cabduqaadir Fooldibi ayaa tooreyda ay ku dhufatay xaaskiisa kasoo gaaray dhaawac culus ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer halkaas uu markii dambe ugu geeriyooday dhaawaca gaaray.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu u dhacay dilka saakay loo geestay Madaxa Waaxda Halgan ee Degmada dayniile, waxaana wararka qaar sheegayaan in Gudoomiyaha xaaskiisa hore dishay xili uu ku sugnaa guriga Haweeney ay kala tageen, iyadoo goobta ka baxsatay.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Boliiska ayaan wali ka hadlin dilkan dadka badan ka naxeen ee saakay ka dhacay Degmada Dayniile, waxaana meydka Gudoomiyaha la dilay loo qaaday xarunta CID-da.

38610cookie-checkMadax Waaxeed Lagu Dilay Dayniile