Shidaalka Somalia Iyo Tartanka

Somalia news

Maamulka Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in hortaanta Sanadka soo socda la shaacin doono Shirkadaha ku guuleystay Wareega 1-aad ee Tartanka Ruqsadaha Shidaal Soo saarka Somalia, iyadoo ay balantu aheyd in la shaaciyo Sanadkaan ayaa Dib u dhac u ku yimid sababo badan awgeed…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u Xaqiijisay in ilaa 7-xirmo oo laga helay Degaanada hoos yimaada Maamul goboleedyada Galmudug, Hir-Shabelle iyo Konfur-Galbeed ayaa laga soo saari doonaa Shidaalka, iyadoo Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ka soo horjeesteen hanaanka loo maareynaayo, waxeyna soo saareen digniino la xiriira arrintaani.

Maareeyaha Hey’adda Shidaalka Mr.Ibraahim Cali Xuseen Oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay iney bilaabeen xaraashka, wuxuuna xusay duruufo jira awgeed ay Dib u dhac ku yimaadeen jadwalka wada xaajood ay kula jireen Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobile, kuwaasoo heysta xuquuq ay horey u iibsadeen, ka hor intii aysan dhicin Maamulkii Siyaad Barre.

Wasaarada Shidaalka ayaa horey u Xaqiijisay iney 15-xirmo Oo Shidaal in daraasaad lagu sameeyay, kuwaasoo la sheegay iney ku jiraan qiyaastii 30-bilyan oo fuusto Shidaal ah, inkastoo aysan weli ka jawaabin sheegashada Dowlada Shirkadda Exxon, Afhayeen u hadlay Shirkadda Shell ayaa sheegay iney wada hadalo u socdaan, wuxuuna kalsooni ka muujiyay iney miro dhal noqon doonaan mustaqbalka dhow

52340cookie-checkShidaalka Somalia Iyo Tartanka