Khilaafka Lafta-Gareen Vs Isbaheysiga Mursal iyo Muudey

Somalia news

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya Khilaaf xargo goostay Oo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed Oo dhinac ah Iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Mr.Mursal iyo Kuxigeenkiisa 1-aad dhinac kale, waxaana la sheegay in Khilaafkaan uu muddo dheer soo jiitamayey, iyadoo uu salka ku hayaa soo xulitaankii Xildhibaanada K/Galbeed iyo kuwa Mustaqbalka iyo Qodobo kale…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Qorshe ay wateen Mr.Mursal iyo Muudey uu ka diiday Mr.Lafta-gareen iney saameyn ku yeeshaan Soo xulistii Xildhibaanada Degaanada Konfur Galbeed, Talaabadaasi oo ay aad uga caroodeen, waxeyna bilaabeen dhaqadhaqaaqyo iyo siyaasado lidi ku ah Maamulka Mr.Lafta-gareen, iyagoo Sidoo kale dacwado u gudbiyay Madaxtooyada.

Wixii markaa ka dambeeyey Mr.Lafta-gareen & Mursal xiriirkoodu wuxuu ahaa mid uu mugdi hareeyey, waxaanna ay xaaladu cirka isku sii shareertay markii loo soo wariyey Guddoomiye Mursal in Lafta-gareen wacad ku maray in isaga iyo saaxiibkii Muudeey aysan ku soo laaban doonin baarlamaanka,  marka la gaaro soo xulitaanka xubnaha Barlamaanka cusub sannadka 2021, isla markaanna uu Lafta-gareen diyaariyey xubnihii buuxin lahaa.

Mr.Farmaajo oo isku dayay inuu dhexdhexaadiyo ayaa ku guuldareystay xalinta Xurguftaan adag, Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in xitaa aanu wanaagsanay xiriirkii ka dhexeeyey Mr.Farmaajo & Madaxwaynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, waxaanna khilaafkaasi uu soo shaac-baxay intii uu socday wejigii 2-aad ee shirkii Dhuusamareeb.

52600cookie-checkKhilaafka Lafta-Gareen Vs Isbaheysiga Mursal iyo Muudey