Sababaha Hortaagan Iney Doorasho Ka Dhacdo Somalia

Somalia news

Xaqiiqooyin cad oo aan indhaha laga qarsan karin, ayaa muujinaaya in Somalia Mustaqbalka dhow aysan ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah, hadii aan xal loo helin Shan Sabababood, sida ay isla meel dhigeen Khubarada u dhuun daloola Arrimaha Doorashooyinka Dalka…

Wallow ay jiri karaan Qaar naqdinaaya Aragtidaan, hadana waxaa sababaha ugu Waa weyn ka mid ah:-

-Maqnaasha Degaanada Waqooyiga Somalia

-Degaanada Weli ku Jira Gacanta Kooxaha argagixisada

-Dhameystirka Dastuurka iyo Shuruucda

-Asaa-siyaadka Demuqaraadiyada

-Tirakoobka Shacbiga

Doodaan Oo aad u xoogeysatay bilihii ugu dambeeyay, ayaa imaaneysa xilli ay Hogaamiyayaaasha Siyaasada ay isku maandhaafsan yihiin nooca Doorashada lagu gelaayo ee 2020/21, waxaa adag in la qabto doorasho hadii aan xal loo helin sababaha kor ku xusan.

Degaanada Waqooyiga ayaa sheegta iney Ka madax banaan yihiin Somalia intee kale, Kooxaha argagixisada ayaa maamula Degaano badan, halka Sharciyada waxaa ka taagan Khilaaf xal waarana u baahan, ayuu Sheegay Aqoonyahan Prof.Kabire.

Sharciga Doorashooyinka ee Barlamaanka meel marital wuxuu dhigayaa “in leysku dhafo 4,5 iyo Qof & Cod, Talaabadaasi waxey ka hor imaaneysaa Demuqaraadiyada iyo Dastuurka KMG ah, Maamulka Farmaajo ee Muddo xileedkiisu sii dhamaanaaya ayaa ku adjeysanaaya in la qabto doorsho Qof iyo Cod, hase yeeshee waxaa dul saaran calaamatul Su’aal, iyadoo lagu sababeeyay ineysan xilli hore u diyaar garoobin diyaarinta Dooraahada.

Maamulada Gobolada, Xisbiyada Mucaaradka iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa ku adjeystay ineysan xiligaan qabsoomi karin Doorasho Qof iyo Cod, waxeyna soo jeediyeen in laga heshiiyo nooca Doorashada kuna tilmaamay dooda Villa Somalia mid lagu baneysanaayo Muddo kororsi.

52910cookie-checkSababaha Hortaagan Iney Doorasho Ka Dhacdo Somalia