Guudlaawe Oo Looga Yeeray NISA

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Kulan xiligaan ay wada leeyihiin Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin, iyadoo looga hadlaayo sidii looga qaban lahaa Doorasho dhinac ah Magaalooyinka B/weyne iyo Jowhar…

Kulankaan ayaa looga doodayaa qodobo ay ka mid yihiin Khilaafka Doorashada oo uu is mari waa ka taagan yahay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimaha NISA ay dadaal uga jiraan sidii dowlad goboleedyada taabacsan uga qabsoomi laheyd doorashada Aqalka Sare ka hor 8 February.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddexaad ee Dowlad Goboleedyada taabacsan DF oo xarunta Nabadsugidda ugu taga Taliyaha Nabadsugidda, waxaan sidaan oo kale horrey Taliska Nabadsugidda loogu qaabilay Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxa Nabadsugida oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo ayaa Mas’uuliyiinta Dowladda qaarkeed kulamada kula qaata xafiiskiisa, talaabadaan oo u muuqaneysa inuu ka awood badan yahay Madaxda Dowlad Goboleedyada taageersan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

88160cookie-checkGuudlaawe Oo Looga Yeeray NISA