Hogaanka Taaliban Oo Ganafka ku Dhuftay Qaraar ay iska Kaashadeen 90-Dal..

World

Maamulka Taliban ayaa Jimcihii sheegay in go’aankooda ay uga mamnuuceen haweenka dalkaasi u dhashay inay u shaqeeyaan Hay’adaha Qaramada Midoobay inay tahay arrin “bulsho oo gudaha dalkaasi khusaysa” ayna tahay inay ixtiraamaan dhammaan Dalalka kale…

Bayaanka ay soo saareen Ururka Taliban Jimcihii ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen qaraar ay si adag ugu cambaaraynayaan tallaabada mamnuucista ah ee ururka Taliban uu ku soo rogay haweenka dalkaasi, iyagoo ugu baaqay inay si degdeg ah u qaadaan, haweenka reer Afghanistanna ay u ogolaadaan inay waxbaran karaan, isla markaana ay shaqayn karaan.

Qaraarkan waxaa sidoo kale taageeray in ka badan 90 dal, waxaana si weyn walaac looga muujiyey tallaabooyinka sii kordhaya ee ay qaadayaan ururka Taliban ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ee ka dhanka ah haweenka iyo hablaha reer Afghanistan.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Xukumadda Taliban ayaa sheegay in isagoo tixgelinaya dhaleecaynta, haddana in arrintaasi ay tahay mid u taalla dadka reer Afghanistan ee aanay ahayd mid khusaysa Dalalka Dibeda.

253700cookie-checkHogaanka Taaliban Oo Ganafka ku Dhuftay Qaraar ay iska Kaashadeen 90-Dal..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com