Warbixino hordhac ah oo la soo gaarsiyay Diinah.com news ayaa sheegaya in Wasiirka Duulusta iyo Hawada uu falal ka baxaan Nidaamka Dowlada uu ku kacay kadib markii uu hor istaagay Shirkad Qandaraas ku guuleysatay kuna bedeley Shirkad kale oo ay shirko ku yihiin Isaga iyo Mr.Farmaajo Walaalkiis..
Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wasiirkii Gaadiidka cirka iyo Dhulka uu is daba mariyay Qandaraas la siiyay Shirkad Maraykan ah, Shirkadaan ayaa ku guuleystay iney ku xirto gudaha Garoonka Machine (fever detection Cameras) Xumada coronavirus lagu ogaado, Waxaana heshiiska Shirkadaan la gaaray Agaasimaha Maamulka Garoonka Diyaaradaha (SOMALI CIVIL AVIATION AUTHORITY (SCAA), iyadoo la sheegay in Machine-kaan qiimaha lagu keenaayo lagu qiyaasay 120,000 US$, iyadoo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.
Hadaba Maxaa Dhacay:–
Wasiir Oomaar wuxuu hareer maray sharcigii isaga oo contract ka saxiixday Department oo ah isla wasaaradii uu wasiirka ka ahaa una saxiixay shirkad uu isaga leeyahay wuxuuna ku soo gudbistay qarash dhan $290,000 halka shirkadii Mareykanka ay soo gudbisay qarash dhan $120,000 arrinkaas oo aad ugu careysiisay Maareyaha Aviation iyo Wasaarada maaliyada oo si cad ugu sheegay inuu arrimahaas faraha kala baxo.
Shirkada Qandaraaska loo afduubay waxaana wada leg Wasiir Oomaar iyo shaqsi walaalo la ah Mr.Farmajo oo lagu magacaabo Ahmed Farmaajo,iyagoo awood Madaxtooyada u adeegsaday iney boobaan Mashruuc kasta oo ay faa’iido ka helayaan xiligaan kala guurka ah.