Siyaasada Dowladda Xasan Sheekh ee Qaadista Cunaqabateynta Hubka & Guul darrada ay kala kulantay Golaha Amaanka

Somalia news

Inkastoo uu guuldarro siyaasadeed kala kulmay Kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kuna aadanaa in laga qaado Somalia Cunaqabateynta Hubka kaasoo saarneyd 30-kii sano ee u dambeysay, go’aankaan ayaa u muuqda mid loogu sababeeyay mid khatar ku ah Nabada iyo Amaanka Caalamka…

Maamulka Villa Somalia ayaa wakhti iyo safaro badan geliyay 6-dii bilood ee uu xilka hayay sidii xiligaan Golaha Amaanka u qaadi lahaa xayiraada hubka, hase ahaatee waxaa muuqaneysa inuu ku fashilmay dadaalkiisa, gaar ahaan Dowladaha uu sida gaarka isugu haleynaayay USA, UK, UAE, Kenya, iyadoo arrimaha ay dowladda qiilka uga dhiganeysa waxaa kamid ahaa iney dagaal Shacbiga horseed ka yihiin ay xiligaan hogaanka u heyso.

Qararkaan ayaa sidoo kale wax ka bedel lagu sameeyay si loo muujiyo iney Somalia horumar yar ay sameysay, waxaana loo oggolaaday iney la soo degto Drones-ka Gantaalada ku howlgala iyo kuwa sahanka, Gantaalada lidka Taangiga, Diyaarado iyo Doonyaha hubka lagu rakibi karo, Nooca Hoobiyaha 120-mm, waxaana shuruud looga dhigay iney la socdaan Guddiga UN-ka ee u xil saaran cunaqabateynta hubka Somalia.

Khubarada ayaa aaminsan in go’aankaani uu dabar ku xiray Dowlada iyo Kacdoonka Dadweynaha, isagoo muddo iska kaashanaayay sidii looga xoreyn lahaa degaanada ay maamulaan kooxaha argagixisada, iyadoo lagu wado in Madaxweynaha Somalia uu kormeer shaqo ku tago Gobolada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

226140cookie-checkSiyaasada Dowladda Xasan Sheekh ee Qaadista Cunaqabateynta Hubka & Guul darrada ay kala kulantay Golaha Amaanka