Ma Dhabaa In Qorshe Fashilmay Oo Ay Wada Diyaariyeen Eritrea, Ethiopia & Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah oo laga helay qaar ka mid ah Xafiisyada Hey’addaha Sirdoonka iyo Diblomaasiyeen ka tirsan Dowlad Shisheeye ayaa muujinaya inuu jiray qorshe khatar ah oo ay soo wada maleegeen Farmaajo, Afwerqi iyo Abiy Axmed, kaasoo ujeedadiisu ahaa sidii awood Ciidan loogu qabsan lahaa Maamulada Somaliland, Jubaland iyo Puntland…

Qorshahaan ayaa ku-talagalkiisu ahaa iney fulintiisa ay horseed u noqdaan 4/5-kun oo Dhalinyaro Soomaali ah oo tababar ciidan loo geeyeey dalka Eritrea sanadkii 2019 iyo 2020 kuwaasoo la filaya inay taageeray mug leh ka helaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia iyo ciidamo Eritrean ah oo soo dhexmara Ethiopia, Waxa kale oo qorshahan dahsoon qayb ka qaadanayey ciidanka badda ee Ethiopia kaasoo uu Faransiisku balanqaaday inuu dhismahiisa ka taageero.

Nasiib darro, inkastoo astaamo iyo diyaar garow ku lug leh jiritaanka qorshahaani lagu arkay Somalia iyo degaanada 3-da Maamul goboleed sanadkii la soo tagay, iyadoo kicin iyo abaabul lagu baraarujinaayo beelaha qaarkood si ay qeyb uga noqdaan hirgelinta Qorshahaan, hasa yeeshee qorshahaan dhumucda baaxaddiisa waxa baajiyey dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia bishii November 2020 taasoo uu Farmaajo wali ka samri la’yahay oo ugu wacan qaska, isku dirka, kala qeybinta ka wado guud ahaan Degaanada Dalka Somalia.

119900cookie-checkMa Dhabaa In Qorshe Fashilmay Oo Ay Wada Diyaariyeen Eritrea, Ethiopia & Somalia