Agaasimaha warbaahinta ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa Faceboogga wuxuu inkiray sharciyadda uu dastuurka KMG ah siinayo Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, shaqadooda dastuuriga ah iyo dhammaan Wajibaadkooda ka saaran….
Horjooge Cabdinuur oo ka jawaabayey hadalkii Gudoomiyaha Aqalka sare Mr.Cabdi Xaashi ee ahaa in Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa golaha shacabka dhexdeeda uu si layaab leh ugu xadgudbay dastuurka dalka ayaa isna laalay sharciyadda golaha isaga oo su’aal ka keenay cidda ay matalaan taasi oo ka hor imaaneysa qodobbo dastuurka ku jira.
Hadalkan afhayeenka Farmaajo ayaa laalaya Qodobka 61-aad ee tirsigiisa 3-aad iyo 71-aad ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in aqalka sare uu matalo danaha dawlad goboleedyada iyo inuu yahay ilaaliyaha nidaamka federaalka ah.
Aqalka sare ayaa ninka uu u shaqeeyo Cabdunuur ku eedeeyey in aanu akhrin dastuurka KMG ah, ogeyn in Baarlamaanka federaalka ah uu labo aqal yahay, soona doorteen, loona baahan yahay in arrin kasta uu labadooda ula laabto.