Cawad Oo Xilka Laga Xayuubiyay

Somalia news

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble ayaa u magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud, iyadoo Wasiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Safiir aan weli la shaacin dalka loo magacaabay….

Mr.Cawad ayaa sheegay in aanu diyaar u aheyd inuu xil qabto Safiir iyo mid kaleba, kaddib markii laga xilkii Wasiirnimo ayuu Madaxweynaha u magacaabay Safiir.

Qoraalka Amb. Cawad soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Madaxweynuhu ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha dibadda ee loo magacaabay, sida uu qorayna wuxuu yiri 4 November 2018, balse xilliga saxda ah ee loo magacaabay xilka waxay aheyd 4 January 2018.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Wasiirkii hore ee lagu bedelay ayaa hal arrin ka siman, iyadoo labadaba u dhaxeen Haween Ajaaniib ah oo ka soo kala jeeda wadamada Masar iyo Pakistan. Sida ay i xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

73460cookie-checkCawad Oo Xilka Laga Xayuubiyay