Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Goof-Gaduud

Somalia news

Faahfaah dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya howlgalo qorsheysan oo ay Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay saakay aroortii weerar qarax ku bilowday iyo dagaal toos ah ku qaadeen Fariisimada Ciidamada Dowalda iyo Maamulka K/Galbeed ay ku lahaayeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay….

Weerarkaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay fariisimo ciidamada Xooga dalka ku leeyihiin degaanka Goof-gaduud Buurey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo weli socda sida wararku nagu soo gaarayaan, Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay inkastoo aan aan tirakoob sax ah laga heynin.

Guddoomiyaha degaanka Goofgaduud buurey Isxaaq Cali Isxaaq ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab soo qaaday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus

Dhankooda, War qoraal ah oo ka soo baxay Kooxda shabaab, ayay ku sheegteen inay qabsadeen degaanka Goof-Guduud, isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Konfur galbeed.

kooxda shabaab ayaa maalmahan xoojiyey weerarada ay ka ka geysanayaan qeybo ka mid ah Somalia, shalay ayeyna aheyd markii weerar ku bilowday qarax gaari ay ka fuliyeen Hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

55000cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Goof-Gaduud