Rajo Beelka Xaalada Amaan Iyo Fashilka Farmaajo

Somalia news

Magaalada Muqdisho ayaa hoy u noqotay weerarada joogtada ka noqday, 3-dii sano ee ugu dambeysay ee sida aan kala sooca lahayn loogu gumaado Shacbiga qeybahooda kala duwan ee ku dhaqan magaaladaasi, iyadoo uu Maamulka ku fashilmay iney wax ka qabtaan….

Weerarkii ugu dambeeyay ee gelinkii dambe ee Axadii ka dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 20-Qof, halka 30-kalana ay ku Dhaawqcmeen, waxaana aad u kordhay walaacii dadku ka qabeen ammaanka, iyadoo wadooyinkii Magaalada ay u xiran yihiin xoogaga amaanka xitaa ka horjoigaasaan Shacbiga iney Meydka gaadiid ku qaadaan.

Weerarkii kan ka horeeyay ayaa ahaa kii 10-kii bishaan ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, ayna ku dhinteen sagaal iyo toban qof, oo shan iyo toban ka mida ay ahayd maxaabiistii ka dhex dagaalantay xabsigaasi, waxaana ka sii horeeyay weerarkii maalmihii hore ee bishan ka dhacay Xerada Taliska 12-ka April ee Degmada Warta Nabadda, kuna dhinteen in ka badan toban qof, oo Ciidanka Xoogga Dalka u badnaa.

Waxaa shaki ku jirin in amnigii magaalada uu saameeyay xiisadda siyaasadeed, ee tan iyo bishii June ku soo korortay guud Ayaan Dalka gaar ahaan Caasimada Muqdishu, Shacbiga ayaa Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ku eedeeyay inaanay diyaarba u ahayn inay wax ka qabato arrimaha ammaanka, isla-markaana aysan cidina u ciqaabin weerar ilaa weerar kale, taa oo hoos u dhigtay gudashada waajibaadkii loo igmaday Mas’uuliyiinta laamaha amniga. Saraakiishaan ayaa la sheegay inaanay uba cabsan in xilalkooda ku waayaan weerarada soo noq noqday, waana midda horseeday inay is dhigtaan.

Maamulka Villa Somalia ayaa ku soo uruurtay marka uu weerar dhaco inay ku hadaaqdo guddi baa loo xil saaray, maalmo ka dibna aan dib dambe loo arkin cid sheegeysa guddigaasi iyo wixii loo diray inay soo baaraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in koox Naftood haligayaal ah oo ay ku jiraan Haween iyo Gadiidka la soo geliyay Magaalada waxaana u fududeeyay Hogaanka NISA, Aqoonyahan ayaa laga hayaa Hal heyskaan “Abuu Camaara Howshii loo igmaday Ayuu wataa Annaga Tacsida dhiganaa”.

54690cookie-checkRajo Beelka Xaalada Amaan Iyo Fashilka Farmaajo