Share the post "Kooxda Dhuusa mareeb-3 xeer ma dhigteen Mise Xal dagaal ayeey u Durbaan Tumeen"
Sida uu qabo Caqliga saliimka ah, waxaan shaki ku jirin in Shir ay koox degaanka Galguduud ku qabsadeen isla markaasna ay go’aan iska soo saareen aan horseedi karin Nabad waarta iyo midimo Dowlad loo wadan dhan yahay, Qaranka Soomaaliyeed sameyn iyo yeerin midna boos ugama banaana Shaqsiyaad iyo shisheeye daneystayaal ah, waana is la helaa hannaanka doorashada dadban oo wadar ogol ah….
Markii ay Kooxda Lagu magac daro Beesha Caalamka ay ku fashilmeen in Dalka Somalia ay mindnimadii iyo wadajirkii dowladnimo dib u soo nooleeyaan ayeey hadda u istaageen sidii inta soo hartay loo kala kaxeyn lahaa, gaar ahaan Dalalka USA,UK iyo Qatar ayaa was ka wada Dalka, Horey ayaa loo dhiiri geliyay Maamulka Gobolada Waqooyi, haddana waxey qorsheeyeen in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay qaadaan Wadadii Maamulka Somaliland.
Haddaba maadaama hadafkii iyo Go’aanadii Dowlad Goboleedyada ee Dhuusa mareeb 1-2 meesha laga saaray, kaasoo saldhig u ahaa heshiiska wadar ogol ee doorasho loo dhan yahay meesha uu ka dhacayo ay Dhuusamareeb noqoto, sidaana ay ku qaataan koobka guusha, balse nasiib daro shirkaasi qabyo uu ku dhammaaday, kolka khudbadihiisi biloow ilaa dhamaad aan dhagaysano, Qoorqoor xeer ma dhigtay, si mar kale Dhuusamareeb loogu kulmo, Maxaase u Dan ah Dhibanayaasha.
Qaswade waxaa ah ninka aan weligiis cidna la heshiinin, burburiyey natiijadii shirkii Dhusamareb 1 iyo 2, Raysalwasaarihiina 7 daqiiqo ku eryey, kuna adkaysanaya inuu natiijada shirka Dhuusmarreeb 3 dib ugu celinayo Baarlamaan muddo kororsi doonaya. Haddii aan indhaha la is tiraynin, dalkaan qaswade aan Mr.Farmaajo ahayn ma jiro.
“Mar hadii ay Cadaaladii tagto oo la Istixgelin waayo, iney Nabadu taam noqotaa Waa tu aan la helinee” Eryadaan waxaa laga dhaxlay Xaaji Aadan Afqalooc.