Maxaa Dowlada & Ganacsatada ka Hortaagan iney Dejiyaan Qorshe Maalgashi oo Gudaha ah..

Business Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in Qalabka dhismaha ee Caasimada magaalada Mogadishu la keeno uu sare u kacay 5-tii sano ee ugu dambeysay, iyadoo ay uga wacan tirada badan ee dhismaha Daaraha dhaadheer oo magaalada Boom ka noqday, Waxaana isbedel ku yimid bilicda Caasimada, inkastoo uusan jirin Qorshe cad…

Warbixintaan ayaa daaha ka rogtay in Iyadoo Shaqaale badan oo kuwa dhismaha ah ee Soomaaliyeed iyo kuwo Ajnabi ahba ay shaqo joogto ah ka heleen maahaariicda Dhismaha, hadana waxaana lagu qiimeeyaa sanadkii  $93m sanadkii 2020-kii ay ku baxay, halka $147m sanadka 2021, $294m sanadka 2022, $341m sanadka 2023 (Q4 la’aan), Qalabka aad sanadahaasi loo soo dejiyay waxaa ka mid ah Shamiitada, Biraha shubka , Noocyada Mutonoleeyonka iyo Rinjiga.

Sida Khariidadaha dhulka ee Dalka 🇸🇴 ay tilaameyso waxaa la leedahay in Kheyraadka Macdanta loo isticmaalo samaynta Qalabka Dhismaha inta badan laga heli jaro dalka gudihiisa, Ma jirto Qorshe maalgelineed oi isku xiran oo Dowlada Federaalka, Maamulada iyo Ganacsatada ka dhaxeeyo, Halkii aadka aanu lacag-Adag ugu khasaarin lahayn soo dejinta.

Maxaa Dowladu ugu tilmaami weyday Ganacsatada gudaha inay maalgashadaan wax soo saarka badeecadaha la soo dejiyo, Waxa jirtay 80-maadkii warshad Shamiitada magaalada Berbera ku taalay (Hanti Qaran), dib u habayn ku sameeyo oo loo kaydiyo Lacagta adag $.

295500cookie-checkMaxaa Dowlada & Ganacsatada ka Hortaagan iney Dejiyaan Qorshe Maalgashi oo Gudaha ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com