Maamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Iney Xayiraad Saareen

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Amaro ka soo baxay Mamulka Villa Somalia lagu faray Hey’adaha Socdaalka iyo kuwa Amaanka iney xakameeyaan dhaqdhaqaayada Wasiirkii 1-aad ee hore Mr.Xasan Cali Kheyre, kadib markii Wasiirkii Amniga uu dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay magaalada Dubai ee Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Farmaajo uu ku amray Heyadaha Socdaalka, kuwa NISA iyo Boliiska ee ku sugan garoonka Diyaaradaha ee magalaada Muqdisho, ineysan u oggolaan inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Ra’iisul wasaarihii hore iyo tiro cayiman ee Wasiiro ah, waxaana sidoo kale laga dalbaday iney fasiraad ka soo bixiyaan sida uu uga dhiifay Garoonka diyaaradaha Wasiirkii Amniga Mr.Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo xiligaan ku sugan magaalada Dubai.

Mr.Isloow ayaa weli xiriir ganacsi iyo mid saaxiibtinimo la leh Mr.Xasan Cali Kheyre Oo xitaa arimaha siyaasada markii uu isku soo taagayo murashaxnimada madaxweynaha kheyre uu garab joogi doono, Sidoo kale Kusimaha Wasiirka Arimaha Gudaha Mr.Cabdi Maxamed Sabriye (Qarafaan) ayaa isna la sheegay inuu la safan yahay Kheyrihii xilka waayey iyo Wasiir Isloow.

58200cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Iney Xayiraad Saareen