Guudlaawe Oo Ciidamo Ka Dejiyay Magaalada Beledweyne

Somalia news

Kadib markii heshiis hoose ay Farmaajo iyo Fahad la gaareen Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Arrimaha Doorashada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya qorshe balaaran uu Mr.Guudlaawe uga hortagaayo Qorshahaasi, isagoo Ciidamo badan ka geeyay Magaalada..

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Beesha Xawaadle oo laba garab kala ay ka mideysan yihiin in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle uusan ka soo degin garoonka diyaaradaha, ayaa Dhanka kale Ee Magaalada Oo aan Ciidamadaan Maamulin la sheegay in lagu uruurinaayo Ciidamo Taabacsan Madaxweynaha Cali Guudlaawe, talaabadaan oo hubti La’aan gelin karta Ku qabashada Doorashada Magaalada B/weyne.

Ujeedada ugu weyn ku daabulida Ciidamada ayaa lagu fasiray in Magaalada ay noqotay degaan hubanti la’aan amni iyo meel ay Maamushaan Maleeshiyo beeleed Oo aan lagu qaban karin Doorasho hufan Oo daah furnaan laga dheehan karo, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo uu Magaalada ka qarxo..

157730cookie-checkGuudlaawe Oo Ciidamo Ka Dejiyay Magaalada Beledweyne